Internet Store and Ecommerce Solution Provider - Free Web Site - Free Web Space and Site Hosting - Web Hosting - High Speed Internet
Search the Web

HALKAN KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYEY EE XAAFADDA http://www.halganews.com/content/view/368/2/

HOME WARBIXIN FAAHFAAHSAN NASHQADDA HIMILO SHIRKADDA ALKHAYR IRMAAN REAL ESTATE
Shirkadda Alkhayr Construction Company

Faahfaahin ku saabsan Shirkadda Dhismaha ee Alkhayr

Shirkadda Alkhayr ee Dhismuhu waxa la aasaasay bishii 4aad ee sanadkii 2000. Ujeeddooyinka loo aasaasay waa inay wadanka ka hirgeliso xaafado casriya oo leh qorshe-deegaan (townplan) loo qaabeeyey si cilmiyaysan oo ku qotonta qorshayaasha caalamiga ah ee xaafadaha la dego. Tan iyo markii la aasaasay waxay ku hawlanayd arrintaa waxaanay ka gaadhay guulo waaweyn. Waxa kale oo ay shirkaddani u ka dhalatay baahida weyn ee loo qabo dhismeyaal casriya oo tayo iyo bilicba ka fiican dhismaha wadanka ka socda oo u badan mid qadiim ah lana gaadhay wakhtigii hore looga marilahaa. Iyada oo ka dhalatay wadanka Finland fikraddeedana ka dambeeyeen indheer-garad is biirsaday iyaga oo la tashaday khubaro dhismayaasha iyo qorshayaasha deegaanka ku xeeldheer, ayay ku guulaysatay inay wadanka kusoo kordhiso fikrado, xirfado iyo farsamooyin casriya oo ku dhisan cilmi iyo khibrad. Alkhayr dhiskeeda Cilmiga iyo Khibraddu ku dheehantahay waxay ku hirgelisaa qalab casriya oo ay wadanka kusoo kordhisay. Waxa shirkadda Dhismaha ee Alkhayr laga diiwaangeliyey Wasaaradda Ganacsiga ee Jamhuriyadda Somaliland sanadkii 2000. Waxay dhismayaasheedii ugu horeeyey oo loo soo daawasho tago dhistay sanadkii 2003 dhamaadkiisii.

Our Philosophy
Waxay Alkhayr kuu balan qaadaysaa, dhisme tayo iyo bilic isku darsaday. Waxay kuu balan qaadaysaa hufnaan iyo daacadnimo. Waxay kuu balan qaadaysaa aqoon khibradi ku dheehantahay. Lasoo xidhiidh Alkhayr Construction Company. Tel. 2522 425631 (Somaliland), 358 5040 13282 (Finland) ama jama.gabush@alkhayr.com


Dib u noqo


Qalabka Casriga ah ee Alkhayr Construction Company