NASHQADDA HIMILO Modern Village of Hargeisa, Capital of Somaliland
Nashqadda Xaafadda Casriga ah ee HIMILO waa mid ka dhalatay baahiyaha deegaan ee ay u aradanyihiin dadka wadankooda kusoo guryo noqonaya ee ka soo boholyoobaya qurbaha.
HALKAN waxa kaaga muuqdaa waa mapka ama qariiradda Xaafadda HIMILO. Waxaad aragtaa sida qaabaysan ee loo habeeyey xaafadda. Waxay leedahay townplan casriya oo u kala qaybsan SUUQ (shoping center), DEEGAAN (residential area) iyo DAN-GUUD (sportsfield) -taas oo naadir ku ah Afrika. Waxa qaabkeeda dejiyey khubaro aqoon u leh townplanka deegaamada. Waddada xaga hoose maraysaa waa waddada laamiga ah ee Caasimadda uga baxda dhinaca Berbera.
Halkan waxa kaaga muuqda bar-tilmaameedka Xaafadda HIMILO. Inkastoo fikraddu ahayd in magaalada laga durko, haddana magaaladu aad ayay usoo durkaysaa maalin walba.