HALKAN waxa kaaga muuqdaa waa mapka ama qariiradda Xaafadda HIMILO. Waxaad aragtaa sida qaabaysan ee loo habeeyey xaafadda. Waxay leedahay townplan casriya oo u kala qaybsan SUUQ (shoping center), DEEGAAN (residential area) iyo DAN-GUUD (sportsfield) -taas oo naadir ku ah Afrika. Waxa qaabkeeda dejiyey khubaro aqoon u leh townplanka deegaamada. Waddada xaga hoose maraysaa waa waddada laamiga ah ee Caasimadda uga baxda dhinaca Berbera.
|
Halkan waxa kaaga muuqda bar-tilmaameedka Xaafadda HIMILO. Inkastoo fikraddu ahayd in magaalada laga durko, haddana magaaladu aad ayay usoo durkaysaa maalin walba.
|
Boodhka ka hor qotoma Xaafadda HIMILO. Waxa ku sawiran nashqadda xaafadda iyo qaabkeeda oo dhamaystiran. Sawirkani wuxuu farxad geliyaa dadweynaha oo ku faraxsan dadkooda usoo noqonaya ee wadankooda dhisanaya
|
Deyrkan waxa laga dhisay dhinaca waqooyi iyo galbeed ee xaafadda. Xaafaddu waxay ka oodnaandoontaa dhinacyada qaarkood waxaanay yeelanaynaa ilimmo badan
|
|
 |
Halkani waa Xaafadda Himilo oo laga dhisayo Deyrka ku wareegsan
|
Dhismahani wuxuu ka dhisanyahay Xaafadda Himilo dhanaceeda Bari. Waa xarunta shirkadda Dhismaha ee Alkhayr waana shirkadda hirgelinaysa xaafadda. Alkhayr waxay guryo casriga hadaba ka wadaa wadanka gudihiisa
|
Xarunta Alkhayr ee HIMILO ku taalla ee shaqadu ka socoto
|
Dhismahani waa dhisme ka dhisan kasoo-horjeedka Xaafadda HIMILO. Waxa leh ganacsadaha Indho-deero
|
|