|
MASHRUUCA XAAFADDA HIMILO
Mashruuca Xaafadda HIMILO waxaa qorshihiisa iyo hirgelintiisa iska leh shirkadda Alkhayr Construction Company (ACC) oo ay aasaaseen muwaadiniin Somaliland u dhashay bilawgii sanadkii 2000. ACC waa shirkad ka diiwaangashan Rungta Ganacsiga ee wadanka ujeedooyinkeeduna yihiin inay wadanka ka hirgeliso mashaariic horumarineed oo dhisme casriyaysan ah. Mashruuca Xaafadda HIMILO wuxuu marayaa gebagebadii waxaanuu kasoo gudbay dhawr marxaladood. Jagooyinkii ugu horeeyey waxaa la iibiyey bilihii lixaad iyo todobaad ee isla sanadkaas 2000. Dhulkii labaad waxa la iibiyey dhamaadkii sanadkii 2001. Iibkii sadexaad wuxuu soconayey 1.Oct. 2002 – 31. Feb.2003. Markasta qiimaha dhulku wuu isbedelayey/yaa sida wadanka ka jirtaba.
Mashruuca waxaa si fiican uga faa’iidaystay una badan dadka reer Finland, Norway iyo Ingriiska waxaana kusoo xiga, Kanada, Australia iyo Iskandinafiyanka kale. Waxaa intaa dheer oo dhul ka iibsaday dad ku kala dhaqan Holand, Maraykanka iyo Faransiiska. Dadkaa dhulka iibsaday markii hore waxaa shirkaddu usoo samaysay sharciyadoodii iyagaana sharciyan ugu qoran dhulkoodii ay iibsadeen. Dhammaan waraaqihii lahaanshaha, casayntii iyo mulkiyaddiiba shirkadda ayaa usoo samaysay. Dhulka la iibsaday ilaa hadda wuxuu kor u dhaafayaa 160 jago welina dhul ayaa ka banaan.
Sida kuu muuqata waxaa lasoo afjagay qorshayntii iyo qaabayntii kama dambaysta ahayd ee xaafadda. Waxaa qorsheeyey muhandisiin oo u kala qaybiyey sidii ay u kala haboonaayeen. Waxaa imika socda dhismayaashii ugu horeeyey iyo deegaamayntii oo gacanta lagu hayaa.
Shirkadda dhismaha ee Alkhayr Construction Company immika way shaqaysaa oo waxay dhistaa guryaha. Waxay wadanka kusoo kordhisay farsamo iyo farshaxannimo cusub oo ay dhisayaan injineero aqoon iyo waayo-aragnimoba u leh oo dhismaha kaga soo shaqeeyey Yurub. Qorshayaasha xaafaddu way isbarbar socdaan waxaana qorshohoodii la wadaa biyihii iyo laydhkii iyadoo hadba loo eegayo baahiyaha dadka xaafadda kunool.
UJEEDDOOYINKA XAAFADDA CASRIGA AH
Xaafaddan HIMILO ujeedooyinka loo sameeyey waxa weeye:
1- In dadka dibadaha kasoo noqonayaa helaan degaan raaligeliya oo ay iska kaashadaan adeega guud sida, biyaha, laydhka, nadaafadda iyo waxyaalaha lagama maarmaanka u ah nolosha.
2- In guryo casriya oo bilic iyo tayoba ka roon kuwa wadanka la iska kaashado dhisidooda kuwaas oo lagu sameeyey qalabka dhismaha ee casriga ah..
3- Inay meel wada degaan dad is ogol oo isku hab-nololeed dhaw (dadka kasoo noqonaya dibedaha ee dareemaya baahiyaha loo qabo adeega guud ee ay kamidka yihiin: nadaafadda, meelo caruurtu ku ciyaarto, xarumo isboorti (foot/basketball, bings, tens, iwm), xarumo cibaado, xarumo dhalinyaro (si wakhtigooda firaaqada ah looga mashquuliyo waxyaalaha qarriban, goobo u kala gaara hablaha iyo innamadaba, iwm) iyo arrimaha kale ee ay adagtahay inay kula fahmaan dadka dalka ku nool intooda badani keligaana aanad dabooli karin.
4- In la helo oo layska kaashado sidii carruurteena loogu helilahaa xarumo waxbarasho oo heer sareeya kana dhigaan macalimiin aqoon fiican u lihi.
5- In layska kaashado helitaan iyo sidii loo wada yagleelanlahaa waxyaalaha nolosha u asaasiga ah sida biyo iyo laydh joogto ah.
6- In dhul weyn oo waasaca lagu helo lacag jaban.
MAXAY KAGA DUWAN TAHAY MEELAHA KALE?
HIMILO waxay kaga duwantahay xaafadaha kale ee wadanka oo dhan:
1. Nadaafad Guud oo dariiqyada ah iyo meelo qashinka loogu talogalay oo maka yaabaysid in qashinka lagu qubo deyrkaaga!
2. Kala durugsanaanta suuqa (service center) iyo guryaha nolosha (residential area).
3. Garoomo ciyaareed oo caruurta, dhalinta iyo dadka waaweynba isticmaalikaraan oo ay ku jiraan kuwo dumarka u gaar ahi.
4. Meelo caruurtu ku ciyaaraan oo qalabaysan dadkana ka dhaxaysa.
5. Xarumo dhalinyaro oo dhalinta lagaga mashquuliyo dhaqamada qariban. Xarumahaas waa lagu wacyigelindoonaa waxaana loogu diyaarindoonaa waxbarasho, ciyaaro kala jaadjaada, tartanno iwm iyo wixii xiisegelinaya dhalinta wiilal iyo habloba.
6. Labreeri heerkiisu sareeyo oo dhalin iyo dad waaweynba ka faa’iidaystaan.
7. Suuq leh Masaajid, dukaamo, hudheel, maqaaxiyo iyo Kafeteri, farmasii iyo xarun caafimaad intaba leh.
8. Waxaa deggen dadka dibedaha kasoo noqday iyo cidii ogol shuruudaha loo dejiyey xaafadda.
9. Sidee ayay u fuli karaan arrimahan oo dhami maxaana ka qorshaysan inteese qabsoontay? .....la xidhiidh maamulka Mashruuca Xaafadda HIMILO.
In ka badan 60 jago ayaa loogu talo galay arrimahaas aan soo sheegnay ee DANTA GUUD AH.
WAXAA KA MAMNUUCA?
1. Waxkasta oo kasoo horjeeda dhaqankeena kuna reeban Diinteenna
2. Laguma iibindoono qaadka.
3. Qofkii aan ku haboonayn waxba lagama iibinayo sida qof daraagada isticmaala ama waxyaalo kale oo xunxun ku caana.
BAR TILMAAMEEDKA XAAFADDA HIMILO
Waxay ku taalaa wadada Hargeisa dhinaca Berbera uga baxda waxaanay dacalka waqooyi ka saarantahay laamiga waxna kama xigaan. Waxay u dhaxaysaa kaantroolkii hore ee magaaladu soo dhaaftay iyo ka hadda ee ku yaala Halayo. Magaaladu weli si toosa umay gaadhin waana loogu talo galay marka horeba in magaalada laga yara durkiyo xaafadda sifooyinkan leh. Laamiga weyn ee hor mara awgeed, waxaa xaqiiqo ah in qofka HIMILO baska ka raacaa uga horaynayo suuq-weynaha Hargeisa qofka ka yimaada cidhifyada magaalada ee kale.
CABIRKA JAGOOYINKA IIBKA AH
Dhulka (jagada) qofkiiba laga iibinayaa waa 600m˛ ama 30x20 meters. (600 mitir oo labajibaran). Waa dhul aad u weyn markaad wadanka dhulalka la kala iibsado u eegto waana 30 meter oo dhinaca iyo 20 meter oo dhanaca kale ah. Tusaale jagooyinka ugu waaweyn kuwa wadanka laga dhisto ee loo yaqaan 80 per 80 waxay noqonayaan 24 mitir iyo 24 mitir (mitirkiiba waa 3.33 feet) oo isku noqonaya 576m˛ (576 mitir oo laba jibaran). Ama jagooyinka middaa ka yar ee ay ka dhismaan shanta qol, saddexda musqulood iyo deyrka ilaa laba gaadhi geli karaan ee ah 80 per 60 wuxuu u dhigmaa 18m iyo 24m. Kaasi wuxuu noqonayaa marka laysku dhufto 432m˛ halka ay jagada Alkhayr ka tahay 600m˛. U fiirso intay kala weyn yihiin iyo intay kala jabanyihiin!.
SIDEED UGA QAYBGELI KARTAA?
Qiimaha lagaga qaybgelayaa marba marka dambaysay ayuu korayey. Tiraba jagooyinka xiligan la iibinayaa way xadidanyihin. Qofkiiba waxa loo ogolyahay ugu badnaan laba jago oo keliya waxa la rabaa dhulku inta uu dad deeqikaro inuu deeqo. Marka hore waxaa la hor marinayaa oo mudnaanta koobaad leh dadka kusoo hormara dalabka, jagooyinka banaan oo xadidan awgeed. FADLAN SIDA UGU DEGDEGA BADAN ULA XIDHIIDH MAAMULKA IIBKA EE XIDHIIDHKIISU XOOS KU QORANYAHAY
HIRGALKA XAAFADDA
Xaafaddu waxay maraysaa marxaladdii ugu dambaysay. Guryaha ugu horeeya waxa la dhisayaa bisha April ee sanadkan. Xiligan waxa xaafadda ka dhexdhisan plant ay yaalaan qalabka dhismaha ee shirkadda Alkhayr Construction and Contracting Company oo ah shirkadda hirgelinaysa xaafadda.
Warbixin dheeraada oo intan ka tifatiran, ka-qaybgalka iyo Xeer-hoosaadka Habsami-u-socodka Xaafadda HIMILO kala xidhiidh maamulka Mashruucan.
Jaamac Gaabuush: Tel. 358 5040 13282 / 358 9310 15417
Email: jama.gabush@alkhayr.com
|